War qoraal ah Oo Ka soo Baxay Taliska ciidamada mareykanka africom ayaa waxa lagu sheegay in ciidamada mareykan iyagoo garab ka helaya ciidamada dowladda soomaaliya ay duqeymo ka fuliyeen deegaanka Buulo Fulaay ee Gudaha Soomaaliya,waxaana la sheegay in weerarkaasi duqeynta ah uu ahaa mid dhan ah dagaalamayaasha al-shabaab islamrkaasna weerarka duqeynta la fuliyay 13kii Janaayo ee 2021ka
war saxaafadeed kasoo baxay africom ayaa waxa lagu sheegay in qemeeyn lagu sameeyeen duqeynta dhacay laguna ogaaday in weerarkaasi lagu dilay xubno ka tirsan dagaalmayaasha al-shabaab
waxaana sidookale la sheegay in hordhaca qeynta ay muujinayso in werarka duqeynta ah lagu burburiyay xarun ay halkaasi ku lahaayeen al-shabaab.
war saxaafadeed kasoo baxay taliska ciidanka Mareykanka ee Africom ayaa sidoo kale lagu sheegay inaysan jirin wax dad rayid ah oo ku dhintay ama ku dhaawacmay howlgalkaasi.
Weerarka Buula Fulaay iyo weerarradii kale ee dhawaanahanba waxay muujinayaan go’aankeenna aan hoos ugu dhigeyno awoodda Alshabaab iyo halista Soomaaliya iyo dariskeeda ay kulmikaraan ayuu yiri Maj. Gen. Dagvin Anderson oo ka tirsan ciidanka cirka ee Mareykanka
dhankale waxa ay warkasoo baxay africom ku sheegeen in ay sii wadi doonan howlgalada lagu doonayo in xasiloonida soomaaliya oo ay ku jiraan kuwa caalami ah
Taliska ciidamada mareykanka ee africom ayaa dhowr jeer oo hore guulo ka sheegtay weeraro dhanka cirka ah oo ay diyaaradahooda dagaalka ee aan duuliyaha la heyn ka fuliyeen goboladda dhaca bartamaha iyo koonfurta soomaaliya

