wararka ka imaanaya gobolka jubbada hoose ayaa waxa ay kusoo waramayaan in xubno ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa nabad sugida jubaland
weerarkaan ayaa waxa la sheegay in uu ahaa mid qarax ku bilowday islamarkaasna lagu ciidamada nabad sugida mamaulka jubbaland
waxaana lagu soo waramayaa in qaraxaasi lala eegtay ciidamada mamaulka jubbaland uu ka dhashay qasaare kala duwan oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac
dagaalamayaasha al-shabaab ayaa dhabarka u ritay islamarkaasna sheegtay masuuliyada weerarka lagu qaaday ciidanka maamulka jubbaland
al-shabaab waxa ay wararka ay barahooda interneetka ku faafiyaan ay ku sheegteen in Qarax culus xalay ay magaalada Kismaayo kula beegsaday gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen ciidamada Nabad sugidda maamulka Jubbaland.
waxaana ay sheegeen in qaraxaaasi ay ku dhaawacmeen illaa iyo sedax askari oo ka tirsanaa ciidanka nabad sugida jubbaland islamrkaasna ay waxyeello gaarsiiyeen gaarigii Cabdi Bilaha ahaa ee qaraxa ay labeegsadeen.
Dhinaca kale dagaalamayaasha Al Shabaab ayaa guulo ka sheegtay weerar lagu qaaday saldhigga ciidamada Itoobiya ku leeyihiin deegaanka Halgan ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya.
warkasoo baxay al-shabaab ayaa lagu shegay in dhowr jiho ay ka weerareen ciidanka itoobiya ee ku sugnaa deegaanka halgan
waxaana al-shabaab ay sheegeen in weerarkaasi ay qasaaro ku gaarsiiyeen ciidanka itoobiya walow al-shabaab aysan faahfaahin ka bixin qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka dhacay deegaanka halgan oo mid deeganada hoosyimada gobolka hiiraan

