Qarax Khasaare Geystay Oo Ciidamada Amisom Lagu Eegtay Deegaan Ka Tirsan Shabeelaha Hoose

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo ciidamo ka tirsan kuwa amisom lagu eegtay deegaano hooyimaada degmada  marka  ee xarunta gobolka shabeelaha hoose

saacadihii lasoo dhaafay ciidamada amisom gaar ahaana ciidanka yugaandha  ayaa waxa la sheegay in qarax xoogan lagu  beegsaday deegaanka shalaanbood  ee ka tirsan Gobolka Shabeelaha hoose.

waxaana wararku ay  sheegayaan  in weerarkaasi qaraxa ahaa uu ka dhashay qaraase kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac leh

Ciidamada Uganda ee qeybta ka ah ciidamada nabad ilaalinta ujooga soomaaliya ee amisom  ayaa waxa la sheegay in kolanyo ay lasocdeen in qaraxaan  lala  eegtay xili mayarayeen  deegaanka shalaanbood ee hoostaga degmada marka ee gobolka shabeelaha hoose

Al-shabaab ayaa sheegtay  Masuuliyada weerarka qarax ah ee ciidamada amisom lagu beegsaday deegaan ka tirsan gobolka shabeelaha hoose

wararka al-shabaab ay barahooda interneetka ku qoran waxa ay ku sheegteen in weeraro qaraxyo ah ay la eegteen   ciidamo ka tirsan kuwa amisom oo socda ku marayay deegaanka shalaanbood

waxaana al-shabaab ay sheegeen in kolanyada ciidamada amisom ay  laba qarax oo la  beegsadeen islamarkaasna ay qasaaro xoogan  ku gaarsiiyeen ciidanka amisom

Khasaaraha ka dhashay weerarkaan qaraxyada ah al-shabaab waxa ay ku sheegeen  in ugu yaraan ilaa iyo 4 Askari ay ku dhinteen qaraxyada halka 3 kale ay dhaawacmeen

sidookale war rasmi ah oo kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in qaraxyada lagu gubay gaari booyad ah oo ay wateen ciidamada amisom ee  lagu weeraray deegaanka Shalaambood ee dhaca duleedka magaalada Marka gobolka hoose.

majirto wax war ah kasoo baxay  taliska ciidamada Midowga Afrika ee amisom  oo ku saabsan qaraxyadan la sheegay in askarta looga dilay ciidamada amisom ee ka dhacay deegaanka shalaanbood ee gobolka Sh/hoose.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here