Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyed ayaa waxay howlgallo ay ka sameeyeen qaybo ka mid ah gobolka Shabeelaha hoose , ujeedka howlgalka ayaa ahaa siddii Lagu xaqiijin lahaa ammaanka guud ee deegaanada gobolka shabeelaha hoose.
warkasoo baxay dowladda ayaa waxa lagu sheegay in dar dargalinta howlgalkan ay qaybkatahay sidii dagaalamayaasha Al shabaab looga hortagi lahaa wax yaabaha ay soo maleegayaan iyo sidii looga xaqiijin lahaa amaanka guud ee gobolka sh hoose .
Ciidamada dowlada ayaa waxa lagu soo waramayaa in howlgaladaan si gaar ah ay howlgalkaan ay uga fuliyeen xalay saqdii dhexe duleedka degmada qoryooley ee gobolka shabeelaha hoose
waxaana la sheegay in ciidanka dowladdu ay bartilmaamed sadeen goobo la sheegay in ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab
howlgaladaan ayaa waxa la sheegay in saameyn ay ku yeesheen dadka deegaanka islamrkaasna ciidanka dowladdu ay baaritaano kala duwan ku sameenayeen dadka howlgaladaasi lagu soo qabtay
saraakiisha ciidamada dowlada ayaa sheegay in howgaladaan ay sii wadidoonan inta laga xaqiijinayo amaanka deegaanada dhaca gobolka shabeelaha hoose
ciidamada dowladda ayaa dhowr jeer howlgalo ka dhan ah al-shabaab ka sameeyay deegaano badan oo hoosyimda gobolka shabeelaha hoose iyagoona howlgaladaasi ciidanka dowladdu guulo ka sheegteen.

