Ciidamada Dowladda Oo Howlgalo Ka Fuliyay Deegaano Ka Tirsan Shabeelaha Hoose

0

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyed ayaa waxay howlgallo ay ka sameeyeen qaybo ka mid ah gobolka Shabeelaha hoose , ujeedka howlgalka ayaa ahaa siddii Lagu xaqiijin lahaa ammaanka guud ee deegaanada gobolka shabeelaha hoose.

warkasoo baxay dowladda ayaa waxa lagu sheegay in dar dargalinta howlgalkan ay qaybkatahay  sidii dagaalamayaasha  Al shabaab looga hortagi lahaa wax yaabaha  ay soo  maleegayaan  iyo sidii looga xaqiijin lahaa amaanka guud ee gobolka sh hoose .

Ciidamada dowlada ayaa waxa lagu soo waramayaa in  howlgaladaan  si gaar ah ay howlgalkaan ay uga fuliyeen xalay saqdii dhexe duleedka degmada qoryooley ee gobolka shabeelaha hoose

waxaana la sheegay in ciidanka dowladdu ay bartilmaamed sadeen goobo la sheegay in ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab

howlgaladaan ayaa waxa la sheegay in saameyn ay ku yeesheen dadka deegaanka islamrkaasna ciidanka dowladdu ay baaritaano kala duwan ku sameenayeen dadka howlgaladaasi lagu soo qabtay

saraakiisha ciidamada dowlada  ayaa sheegay in howgaladaan ay sii wadidoonan inta laga xaqiijinayo amaanka deegaanada dhaca gobolka shabeelaha hoose

ciidamada dowladda ayaa dhowr jeer howlgalo ka dhan ah al-shabaab ka sameeyay deegaano badan oo hoosyimda gobolka shabeelaha hoose iyagoona howlgaladaasi ciidanka dowladdu guulo ka sheegteen.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here