Howlgalo dad badan Lagu Qabqabtay Oo Ka Dhacay Magalaada Boosaaso

0

saacadii lasoo dhaafay ciidamo amaanka  magaalada boosaaso ayaa howlagalo balaaran waxa ay  ka sameeyeen xaafadaha magaalada boosaaso ee xarunta gobolka bari

howlgaladaan ayaa waxa la sheegay intii ay socdeen in lagu soo qabtay dad farabadan kuwaasi oo la sheegay in lagu  sameeynayay baaritaano kala duwan

waxaana la sheegay in howlgaladaan ay sameeyeen ciidamada booliska punland in uu hogaaminayay taliyaha ciidanka booliska gobolka bari G/sare Xuseen cali maxamuud

taliyaha ciidanka booliska gobolka bari oo ka hadlay howlgalada ka dhacay boosaaso ayaa sheegay in howlgaladani ay ahaayeen kuwa ay ku xaqiijinayay amaanka magaalaada boosaaso islamrkaasna ay sii wadi doonan inta amniga laga sugayo

sidookale  wax la sheegay in howlgaladaan laga sameeyay hotelada iyo xaafadaha boosaaso islamrkaasna waxa la sheegy in  baaritaano kala duwan dad iyo gawaarida lagu sameeyanayay ,waxaana saraakiisha ciidan hogaaminaysay ay sheegeen in baaritaanada kadib ay warbaahinta lasoo wadaagi doonan howladaan iyo wixii kasoo baxa.

magaalada boosaaso oo ah xarunta ganacsi maamulka puntiland ayaa waxa mar marka qaar ka dhaca falal amniga kasoo horjeda kuwaasi oo ubadan dilal ay geeystaan kooxo aan heybtooda la garanayn

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here