warar dheerad ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo ciidamo ka tirsan kuwa kenya lagu eegtay deegaano ka tirsan gobolka jubbada hoose
ciidamo keenyaati ah oo marayay deegaanka hoosingow ee gobolka jubbada hoose ayaa waxa la sheegay in weerar qarax lala beegsaday gaari ciidan oo ay wateen sida wararku sheegayaan
waxaana lagu soo waramayaa in weerarkaan uu ahaa mid ay ka dhasheen qasaaro iskugu dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray ciidanka kenya
masuuliyada weerarkaan waxa sheegtay dagalamayaasha al-shabaab
waxaana ay sheegeen in weerarkaasi qarax ah ay ku dileen ciidamo badan oo ka tirsan kuwa kenya
wararka alshabaab ay barahooda intarneetka ku baahiyaan waxa ay ku sheegteen in ilaa iyo 7 askari oo kenyaati ah ay ku dileen weerar qarax oo ay la beegsadeen gaari dagaal islammrkaasna ay wateen ciidanka keenya xili uu marayay in u dhaxeysa dhoobleey iyo hoonsigow
sidookale war kasoo baxay dagaalamyaasha Al Shabaab waxa lagu sheegay in askarta qaraxa lagu dilay uu kamid ahaa sarkaal katirsanaa melleteriga Kenya kaasi oo magaciisa lagu soo koobay Holland.
waxaaana al-shabaab ay sheegeen in qaraxani uu yahay kii 2aad oo 24 saac gudahood ciidamada Kenya ay kula beegsadaan deegaanno katirsan Jubbada Hoose,
qaraxaan ayaana ku aadaya xili shalay qarax ka dhacay deegaanka Taabto al-shabaab ay sheegteen in ay ku dileen ugu yaraan 17 askari oo katirsan ciidamada keenya.

