saacadii lasoo dhaafay ciidamo amaanka magaalada boosaaso ayaa howlagalo balaaran waxa ay ka sameeyeen xaafadaha magaalada boosaaso ee xarunta gobolka bari
howlgaladaan ayaa waxa la sheegay intii ay socdeen in lagu soo qabtay dad farabadan kuwaasi oo la sheegay in lagu sameeynayay baaritaano kala duwan
waxaana la sheegay in howlgaladaan ay sameeyeen ciidamada booliska punland in uu hogaaminayay taliyaha ciidanka booliska gobolka bari G/sare Xuseen cali maxamuud
taliyaha ciidanka booliska gobolka bari oo ka hadlay howlgalada ka dhacay boosaaso ayaa sheegay in howlgaladani ay ahaayeen kuwa ay ku xaqiijinayay amaanka magaalaada boosaaso islamrkaasna ay sii wadi doonan inta amniga laga sugayo
sidookale wax la sheegay in howlgaladaan laga sameeyay hotelada iyo xaafadaha boosaaso islamrkaasna waxa la sheegy in baaritaano kala duwan dad iyo gawaarida lagu sameeyanayay ,waxaana saraakiisha ciidan hogaaminaysay ay sheegeen in baaritaanada kadib ay warbaahinta lasoo wadaagi doonan howladaan iyo wixii kasoo baxa.
magaalada boosaaso oo ah xarunta ganacsi maamulka puntiland ayaa waxa mar marka qaar ka dhaca falal amniga kasoo horjeda kuwaasi oo ubadan dilal ay geeystaan kooxo aan heybtooda la garanayn

