Maleeshiya hubeysan Oo Sii Daayay Dad Iyo Gaari Ay Ka Afduubteen Hiiraan

0

wararka aan ka helayno gobolka hiiraan ayaa waxa ay kusoo waramayaan in gaari dad shacab ah ay saarnaayeen oo dhawaan maleeshiya hubeysan ka afduubatay deegaan hoostaga demada maxaas ee gobolka hiiraan ayaa la sheegay in maanta ay gaareen iyagoobadqaba  degmada matabaan kadib markii la sheegay in maleeshiyadii afduubatay ay soo daayeen

ilaa shan ruux ayaa lasheegay in ay saarnaayeen gaariga la afduubtay kaasi oo maanta ugu danbeyn lasoo daayay

maleeshiyada afduubka geystay ayaa waxa lasheegay in sababta ay u afduubteen ay aheyd aan nooyin qabiil  iyo dad horay looga dilay oo ay tabanayaan

waxaana la sheegay in maleeshiyadu ay afduubka kadib ay dalbadeen lacago  diyo  dad horay looga dilay iyadoona lasheegay in gabi aahanba lacagahaasi loo shubay  sidaana ay kusoo daayeen dadka ay afduubteen .

inta badan deegaanada iyo degmooyinka dhaca bartamaha soomaaliya ayaa waxa ka dhaca dilal iyo afduub loo geeysto dadka shacabka ah ee ku safraya deegaanadaasi

waxaana afduubka iyo dilalka geeysta maleeshiyaad tabanaya dad laga dilay

waxaa ay iyaguna dhibaato ugeeystaan mar marka qaar dad shacab ah oo laga yaabo in aysanba ka war heyn  waxa halkaasi ka jira

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here