Soomaaliland Oo Bilaabeysa Diiwaangalinta Cod-Bixiyayaasha Deegaano Ay Kula Muransantahay Puntland

0

Guddiga doorashada xukuumada soomaaliland ayaa shaaciyay in ay bilaabayaan diiwaan galinta cod bixiyayaasha deegaano iyo degmooyinka ka tirsan gobolada sool iyo sanaag halkaas oo ay ku muransanyihiin islamrkaasna ay inta badan isku qabsadaan iyaga iyo maamulka puntland

Guddiga doorashada somaliland oo ay lasocdeen masuuliyiin ka tirsan xukuumada soomaaliland ,xisbyada siyaasadeed ee ka jira deegaanada soomaaliland ayaa waxa la  sheegay in ay socdaal ku tageen deegaanada lagu muransayahay

goobaha ay tageen guddigu waxa ka mid ah magaalooyinka laascaanood ,ceerigaabo, xudun ,Badhan iyo taleex kuwaasi oo ay kormeer ku sameeyeen islamarkaasna ay arkeen goobaha diiwaan galinta cod bixiyayaasha iyagoona  la sheegay in ay  guddigu  la dheceen howsha la qabtay.

guddiga doorashada soomaaliland  iyo xubnaha xisbiyada ee la socday  ayaa intaasi kadib  warbaahinta la hadlay waxaana ay sheegeen in howlwadeenadu ay qabteen shaqo adag oo wanaagsan islamrkaana ay kun iyo kow jeer u mahadcelinyaan

guddiga doorashada soomaalialand  ayaa waxa sheegay in dadaal weyn ay ku bixinayaan sidii deegaanadaasi ay uga dhicilaheyd doorasho islamarkaasna ay dadka deegaanku ay uga qeybtooda uga noqonlahaayeen doorashada ka dhaceysa deegaanada soomaalialand islamrkaasna ay  codkooda dhiiban lahaayeen

maamulada soomaaliland iyo puntland ayaa mudooyinkii dambe isku heystay xukunka deegaanada dhaca gobolada sool iyo sanaag

waxaana halkaasi dhowr jeer ka dhcay dagaalo ay dad badani ku dhinteen kuwa shacab ahna ay guryahoodi uga barakaceen

iyadoo laga warhayo arimahaasi ayaa waxa xukuumada soomaaliland ay ku dhawaaqday in ay diiwan galinta codbixiyayaasha ay sheegtay in ay ka bilaabeyso deegaanadaasi lagu muransanyahay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here