wararka aan ka helayno gobolka hiiraan ayaa waxa ay kusoo waramayaan in gaari dad shacab ah ay saarnaayeen oo dhawaan maleeshiya hubeysan ka afduubatay deegaan hoostaga demada maxaas ee gobolka hiiraan ayaa la sheegay in maanta ay gaareen iyagoobadqaba degmada matabaan kadib markii la sheegay in maleeshiyadii afduubatay ay soo daayeen
ilaa shan ruux ayaa lasheegay in ay saarnaayeen gaariga la afduubtay kaasi oo maanta ugu danbeyn lasoo daayay
maleeshiyada afduubka geystay ayaa waxa lasheegay in sababta ay u afduubteen ay aheyd aan nooyin qabiil iyo dad horay looga dilay oo ay tabanayaan
waxaana la sheegay in maleeshiyadu ay afduubka kadib ay dalbadeen lacago diyo dad horay looga dilay iyadoona lasheegay in gabi aahanba lacagahaasi loo shubay sidaana ay kusoo daayeen dadka ay afduubteen .
inta badan deegaanada iyo degmooyinka dhaca bartamaha soomaaliya ayaa waxa ka dhaca dilal iyo afduub loo geeysto dadka shacabka ah ee ku safraya deegaanadaasi
waxaana afduubka iyo dilalka geeysta maleeshiyaad tabanaya dad laga dilay
waxaa ay iyaguna dhibaato ugeeystaan mar marka qaar dad shacab ah oo laga yaabo in aysanba ka war heyn waxa halkaasi ka jira

