Guddiga doorashada xukuumada soomaaliland ayaa shaaciyay in ay bilaabayaan diiwaan galinta cod bixiyayaasha deegaano iyo degmooyinka ka tirsan gobolada sool iyo sanaag halkaas oo ay ku muransanyihiin islamrkaasna ay inta badan isku qabsadaan iyaga iyo maamulka puntland
Guddiga doorashada somaliland oo ay lasocdeen masuuliyiin ka tirsan xukuumada soomaaliland ,xisbyada siyaasadeed ee ka jira deegaanada soomaaliland ayaa waxa la sheegay in ay socdaal ku tageen deegaanada lagu muransayahay
goobaha ay tageen guddigu waxa ka mid ah magaalooyinka laascaanood ,ceerigaabo, xudun ,Badhan iyo taleex kuwaasi oo ay kormeer ku sameeyeen islamarkaasna ay arkeen goobaha diiwaan galinta cod bixiyayaasha iyagoona la sheegay in ay guddigu la dheceen howsha la qabtay.
guddiga doorashada soomaaliland iyo xubnaha xisbiyada ee la socday ayaa intaasi kadib warbaahinta la hadlay waxaana ay sheegeen in howlwadeenadu ay qabteen shaqo adag oo wanaagsan islamrkaana ay kun iyo kow jeer u mahadcelinyaan
guddiga doorashada soomaalialand ayaa waxa sheegay in dadaal weyn ay ku bixinayaan sidii deegaanadaasi ay uga dhicilaheyd doorasho islamarkaasna ay dadka deegaanku ay uga qeybtooda uga noqonlahaayeen doorashada ka dhaceysa deegaanada soomaalialand islamrkaasna ay codkooda dhiiban lahaayeen
maamulada soomaaliland iyo puntland ayaa mudooyinkii dambe isku heystay xukunka deegaanada dhaca gobolada sool iyo sanaag
waxaana halkaasi dhowr jeer ka dhcay dagaalo ay dad badani ku dhinteen kuwa shacab ahna ay guryahoodi uga barakaceen
iyadoo laga warhayo arimahaasi ayaa waxa xukuumada soomaaliland ay ku dhawaaqday in ay diiwan galinta codbixiyayaasha ay sheegtay in ay ka bilaabeyso deegaanadaasi lagu muransanyahay.

