ciidamada kumaandoosta xooga dalka ee danab ayaa waxa lagu soo waramayaan in howlgalo qorsheysan ay ka fuliyeen deegaan ka tirsan gobolka bay
ciidanka kumaandoosta somaaliya ayaa howlgaladaan waxa lasheegay in ayb sigaar ah uga fuliyeen deegaanka buurheybe oo duleedka ka ah degmada buurhakaba ee gobolka baay
saraakiisha ciidanka dowladda ee howlgaladaan hogaaminayay ayaa waxa ay sheegeen in ciidanku ay howlgaladaan ku bur buriyeen fariisimo dagaalamayaasha al-shabaab ay ku lahaayeen deegaanka buur haybe
waxaana la sheegay in intaasi kadib ciidanka kumaandoosta xooga dalka ay baaritoono ka sameeyeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka bay ,deegaanadaasi oo ay ka mid yhiin , jiiro koolow, dur duroow, saax weyn iyo kuwa kale iyadoona lasheegay in baaritaanadaan ay ahaayeen kuwa lagu xaqiijinayay amaanka deegaanka buur haybe iyo deegaanada kale ee hoosyimaada gobolka bay
sidookale howlgalkaan ay sameeyeen ciidanka dowlada gaar ciidanka kumaan doosta xooga dalka ayaa waxa lagu sheegay in lagu soo qabtay rag ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab mootooyin iyo agab ciidan
ciidamada kumaandoosta dalka ayaa shjeegay in ay sii wadi doonan howlgalada iyo dagaalka ka dhan ka ah dagaalamayaasha al-shabaab

