ciidamada xooga dalka ayaa waxa la sheegay in ay gacanta ku dhigeen Askari ka tirsanaa ciidanka dowladda oo dad shacab ah ku laayaay degmada balad xaawo ee gobolka gedo
wararka ayaa waxa ay sheegayaan in askarigaan uu dilay sadax qof oo shacab ah halka tira kalana la sheegay in uu dhaawac
Askari la qabtay ayaa waxa lasheegay in si bareer ah uu rasaas ugu furay dad shacab ah oo moot saarnaa kuwaasi oo marayay deegaan ka tirsan degamada balad xaawo
inta la xaqiijiyay wax rasaasta uu furay askarigaasi ku geeriyooday hooyo iyo wiil ay dhshay iyo wadihii mootada
waxaana wararku ay sheegayaan in askarigaan dilka kadib uu doonayay in uu goobta iskaga baxsado balse ciidamo ka tirsan dowladda oo ka agdhawaa goobta uu dilku kadhacay ayaa qabtay askarigaani dilka iyo dhaawaca ugeeystay dadka shacabka ah
ciidamo badan oo ka tirsan dowladda ayaa waxa ay ku suganyihiin gobolka gedo
waxaana waqtiyada qaar dhacda in Askari ka tirsan dowladda uu dhibaatooyin badan oo dil iyo dhaawac ah in uu ugeysto dad shacab ah oo aan waxba galabsan

