Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay ku booqday isbitaalka Erdogan ee magaalada Muqdisho dhaawacyada howlwadeennadii ka shaqeynayay dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye kaasi oo qof naftii hure ah oo ka tirsanaa al-shabaab uu qaraxa la beegsaday.
Riisulwasaaraha xukuumada faderaalka soomaaliya ayaa tilmaamay sida ay uga go’an tahay shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdoodaba in ay dhistaan dalka, islamarkaasna ay aqbali doonin in dalka dhismihiisa la diido
Raiisul wasaare rooble ayaa mid mid ubooqday dhaawacyada oo kujiray isbitaalka erdogan Ex digfeer ,waxaana uu kala sheekeeystay xaaladooda caafimaad
Dhankalena Raiisul wasaare maxamed xuseen rooble ayaa dadkii ku waxyeeloobay qarax ugu laab qabooyiyay in ay duco la garabtaaganyihiin islamarkaasna ay alle caafimid uga baryayaan dowladda iyo shacabka soomaaliyeed
Qaraxii shalay ka dhacay deegaanka lafoole ayaa ahaa mid qasaare kala duwan dhaliyay oo iskugu jira dhmasho iyo dhaawac ,waxaaana ku dhaawacmay injineero turki ah iyo ciidamada dowladda qaar ka mid ah gaar ciidanka haramcad
iyadoona qaraxaasi masuuliyadiisa sheegtay dagaalamayaasha al-shabaab oo sheegay in ay ku dileen sarkaal turki ah

