Dagaal Qasaare Geeystay Oo Ka Dhacay Duleedka Magaalada Baladweyne

0

Warar  dheeerad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo u dhexeeyay ciidamoka tirsan   dowladda iyo dagaalamayaasha al-shabaab

Waxaana dagaalkaan la sheegay in uu ka dhacay deegaano hoosyimaada magaalada baladweyne ee xarunta gobolka

Dagaalkaan ayaa waxa la sheegay in uu yimid kadib markii dagaalamayaal ka tirsan alshabaab ay weerar xoogan ku qaadeen fariisimo  ciidamo ka tirsan dowladda  iyo ciidamo  ethoobiyaan ah ay k8un lahaayeen deegaan hoosyimada madaalada baladweyne

Wararka aan helayno ayaa intaasi ku daraya in dagaalkaan uu ka dhashay qasaare kala duwan oo iskgu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac

Dadka deegaanka ayaa waxaay sheegeen in ay maqlayeen jug culus iyo daryanka rasaasta ay isweeydaarsanayeen ciidanka dowladda iyo dagaalamayaasha al-shabaab balse aysan si dhabah u xaqiijin Karin qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkaani

Al-shabaab ayaa dhowr jeer oo hore guulo uga sheegatay dagaal ciidanka dowladda iyo kuwa amisom ay kula galeen deegaano ka tirsan gobolka hiiraan

Waxaana sidookale xusid mudan in magaalada baladweyne ay kusuganyihiin ciidamo macawisleey ah kuwaasi oo iyaguna dagaal kula jira al-shabaab

Sidookale saraakiisha ciidanka dowladda ayaa waxa ay iyaguna horay guulo uga sheegteen howlgalo iyo dagaalo ay la galeen al-shabaab

Dagaaladaasi oo ay sheegeen saraakiisha ciidanka dowladda in ay guulo ku gaareen iyagoo kaa shanaya ciidanka amisom

Wali majirto cidka hadashay dagaalkalasheegay in uu ka dhacay deegaano hoosyimada gobolka hiiraan

Kaasi oo lagu soo waramayo in qasaare kala duwan uu ka dhashay

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here