
Ganacsatada qaadka kenya ayaa dowladooda kala hadlay suuq xumada dhanka qaadka eesoo wajahday maadaama dowlada faderaalka soomaliya ay xirtay suuqii ugu weynaa ee loo iibgeyn jiray qaadka kenya.
waxaana la sheegay in ganacsatada qaadka kenya ay walaac xoogan ka muujiyeen suuqoodi qaadka oo xumaaday iyagoona dowladda ka dalbaday in arintaasi ay wax ka qabato .
masuuliyiin ka tirsan wasaarada ganacsi kenya oo kulamo la qaadatay ganacsatada qaadka kenya ayaa kulamadaasi kadib waxa sheegeen in ay qorsheynayso in qaadkii loo dhoofinjiray soomaaliaya loo weeyciyo wadamo kale oo afrikaan ah
wasaarada gacsiga keenya ayaa shaaca ka qaaday in ay wado qorshe ay suuqa qaadkka ugu wareejinasayso wadamada Jabuuti, DR Congo, Mozambique iyo wadamo kale
waxaana ay sheegtay in qorshaha loogu wareejinta uu dhacayo horaanta bisha maarso ee sanadka cusub 2021
wasaarada ganacsiga kenya ayaana sheegtay in qorshahaan ay ku dooneyso in ay ku yareeyso cadaadiska uga imaanaya ganacsatada ee ah in suuq qoodee weyna in loofuro iyo dal ay xiisad kala dhexeyso in qasab ku noqoto in lala xiriiro
dowladda soomaaliya ayaa gabi ahaaba xayiraad saartay qaadkii uga imaanayay dalka keenya kadib xiisad dib loo maasiyadeed oo soo kala dhexgashay labada dal
waxaana arintaasi ay saameyn xoogan ku yeelatay ganacsatadii qaadka usoo dhoofin jiray gudaha soomaaliya halkaasi oo ganacsatada keenya ay u aheyd suuqooda ugu weyn islamarkaasna ay ka macaashijireen kumanaan do0olar maalintii
