Wararka ka imaanaya Gobolka Mudug Ayaa waxa ay kusoo waramayaan in ciidamada maamulka putland qeybohooda kala duwan ay saaka howlagalo amni xaqiijin ah ka wadaan waqooyinka magaalada gaalkacyo ee xarunta gobolka mudug
ciidamada mamaulka putland ayaa waxa la sheegay in baaritaano kala duwan ay kusameeynayaan gaadiidka isticmaalaya waddooyinka iyadoona wararku ay sheegayaan in howlgaladaan ay yihiin kuwa xoogan islamarkaasna la doonayo in lagu sugo amniga magaalada
waxaana waddooyinka waqooyiga magaalada gaalkacyo la sheegay in lagu arkayo ciidamo badan oo iskugu jira nabad sugin iyo booliis
ciidanka ayaana lagu soo waramayaa in gaadiidka ay ka xaqiijinayaan in uu wato aqoosi iyo in uu leeyahay taargo
howlgaladaan ayaa waxa lagu soo waramayaan in ciidamada maamulka putland intii uu socday in ay gacanta kusoo dhigeen dad ay ka shakiyeen kuwaas oo lasheegay in baaritaano dheeri ah in la marsiin doono
saraakiisha ciidanka putland ayaa waxa ay sheegeen in howlgaladaan lagu sugayo islamarkaasna lagu xaqiijinayo Amniga magaalada gaalkacyo

