Ciidamada Putland Oo Howlgalo Ka Wada Waqooyiga Gaalkacyo

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Mudug Ayaa waxa ay kusoo waramayaan in ciidamada maamulka putland qeybohooda kala duwan ay saaka howlagalo amni xaqiijin ah  ka wadaan waqooyinka magaalada  gaalkacyo ee xarunta gobolka mudug

ciidamada mamaulka putland ayaa waxa la sheegay in baaritaano kala duwan ay kusameeynayaan gaadiidka isticmaalaya waddooyinka iyadoona wararku ay sheegayaan in howlgaladaan ay yihiin kuwa xoogan islamarkaasna la doonayo in lagu sugo amniga magaalada

waxaana waddooyinka waqooyiga magaalada gaalkacyo la sheegay in lagu arkayo ciidamo badan oo iskugu jira nabad sugin iyo booliis

ciidanka ayaana lagu soo waramayaa in gaadiidka ay ka xaqiijinayaan in uu wato aqoosi iyo in uu leeyahay taargo

howlgaladaan ayaa waxa lagu soo waramayaan in ciidamada maamulka putland intii uu socday in ay gacanta kusoo dhigeen dad ay ka shakiyeen kuwaas oo lasheegay in baaritaano dheeri ah in la marsiin doono

saraakiisha ciidanka putland ayaa waxa ay  sheegeen  in howlgaladaan lagu sugayo  islamarkaasna lagu xaqiijinayo Amniga magaalada gaalkacyo

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here