Dowladda Soomaaliya Oo Ka Warbixisay Habka SHidaal Bixinta Dalka

0

Hey’adda Badroolka ayaa faahfaahin ka bixisay sida ay noqoneyso shildaal bixinta soomaaliya iyo habka qandaraasyada loo siinayo shirkadaha shidaalka kasoo saaraya gudaha dalka .

Guddoomiyaha Hey’adda Badroolka ayaa awaxa uu sheegay in Habka Qandaraas Bixinta Shidaalka Soomaaliya uu mar walba waa mid ku saleysnaan doona hab hufnaan ah , isloamarkaasna shirkadaha shidaalka ay usiin doonab qandaraasyada siman oo ummadda Soomaaliyeed ay ogaan karto .

waxaana uu sheegay in masuuliyad ay ka saarantahay keenida heshiisyo u cuntamaya bulshada soomaaliyeed islamarkaasna ay ku dadalayaan sidii loo dhiiragalin laha in maalgashi lagu sameeysto dalka.

Dhankale Guddoomiyaha Hey’adda Badroolka Oo Sii Hadlayay ayaa waxa uu sheegay in heshiisyadaan lagaarayo ujeedooyinka laga leeyahay ay qeyb ka tahay siidii dhalinyarada soomaaliyeed ay shaqo uheli lahaayeen shirkaskastana ay ku qasabtahay in shaqaalaha ay u qaataan dhaliyarada soomaaliyeed .

waxaana uu sheegay in heshiiska ay ku cadahay in shaqaaleysiin muhiimada koowaad lasiinayo dhaliyarada soomaaliyeed islmarkaasna an la aqbalidoonin in shaale badan laga keeno dibada

soomaaliya ayaa ka mid ah wadamada uu ilaahey ku maneystay kheyraadka dabiiciga ah balse wali aan sida ay tahay uga faaideysan

waxaana dowladda faderaalka somaliya ay daadaal dheer ku bixisay sidii shidaalka soomaliya looga soo saari laha siwada jir ahna bulshada soomaaliyeed ay uga faaideeysan lahaayeen gaar ahaana dhaliyarada soomaaliyeed oo shaqa abuur u baahan ,

walow ay jireen caqabado badan oo arintaasi ku hor gudban dowladdu ay sheegtay in waxkasta ha ku qaadateen ay doonaso in laga gudbo

waxaana  xusid mudan in Sharciga badroolka soomaaliya ay ansixiyeen labada gole barlamaanka jamhuriyada faderaalka soomaaliya

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here