Iska Hor Imaad u Dhaxeeyay Ciidamadda Dowladda oo Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor imaad u dhaxeeyay Ciidamo kawada Tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Iska hor imaadka ayaa ka dhacay Xaafaddo katirsan Degmooyinka Kaaraan iyo Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir,gaar ahaan Kawaan Bari.

Sida la xaqiijiyay iska imaadka ayaa ka dhashay is qab qabsi dhul, waxaana lagu guul dareestay in la xaliyo muranka dhulka la isku heesto oo maanta sababay in dagaal dhaco.

Ilaa haatan lama oga khasaaraha ka dhashay iska imaadka Ka Dhacay Xaafado katirsan Degmooyinka Kaaraan iyo Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here