wararka ka imaanaya magaalada mandheera ee waqooyi bari dalka keenya ayaa waxa ay kusoo waramayaan in xubno ka tirsan al-shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen Xarun shirkada isgaarsiinta Safaaricom ay ku leedahay magaalada mandheera.
waxaana lagu soo waramayaa in gabi aanba ay al-shabaab weerar xoogan oo ay xaunta ku qaadeen ay ku bur buriyeen xarunta isgaarsiinta safaaricom ay la heeyd magaaladaasi mandheera .
sida laga soo xiganayo warbaahinta gudaha dalka keenya waxa la sheeegay in wax qaasara nafeed ah uusan ka dhalan weerarkaan oo warbaahinta keenya ay ku warameeyso in weerarkaan ay fuliyeen xubno ka tirsan dagaalamyaasha al-shabaab.
wararka ayaa intaasi ku daraya in ay badbaadeen dhamaan shaqaalihii shirka islamarkaasna ay kaliya soo food saartay cabsi xoogan
majirto wax war ah oo kasoo baxay dowladda dalka kenya oo looga hadlayo weerarka la sheegay in lagu bur buriyay xarunta shirkada isgaarsiinta safaaricom ee magaalada mandheera eewaqooyi bari dalka keenya
Xubno Ka tirsan Al-shabaab ayaa dhowr jeer oo hore waxa ay weeraro ku bur buriyeen xarumo shirka isgaarsiinta safaaricom ay leedahay iyadoona ay xusid mudan tahay in ciidamada keenya oo arintaasi ka careeysan ay burbur iyaguna ugeeysteen shirkada isgaarsiina ee ku yaalaada gobolka gedo ee gudaha somaliya
al-shabaab wax wara dhankooda kamasoo saarin weerarka lagu qaaday xarunta shirka isgaarsiinta safaaricom ee magaalada mandheera Balse waxa warbaahinta kenya ayaa aaminsan in xubnihii weerarka geeystay ay ka tirsanaayeen Al-shabaab

