Dowlad goboleedka Jubbaland oo warsaxaafadeed kasoo saartay faragelinta iyo khal-khalka amni ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka waddo gobolka Gedo ee Jubbaland, ayaa sheegtay in cawaaqib xumada ka dhalata dhibaatada ay DFS ka waddo gobolka Gedo uu masuuliyadeedda dusha saaran doono Madaxweynaha wakhtigiisu dhammaadka yahay ee DFS.


