Ciidanka booliska oo sheegay ka hortageen miino lagu aasay degmada Warta-nabada

0

Ciidanka amniga ee ka howl gala degmada warta Nabadda gaar ahaan waaxda horseed laanteeda Nationka ayaa xalay  abaare 1:15am ku guuleyste in ay ka hortagaan ruux la sheegay in uu  ka tirsan dagaalamayaasha  alshabaab oo doonaayey in uu miino  ku aaso halkaasi si uu  waxyeeleeyo u gaarsiiyo shacabka ayaa lagu yiri warkasoo baxay warbaahinta dowladda

Gudoomiyaha degmada Warta-nabada Seynab Xaabsey ayaa sheegtay in ciidanka ka war heleen shirqoolka dhagar qabaha ayna guteen waajibkooda qaran

wax faahfaahin intaasi dheer dowladdu ka ma aysan bixin  mana aysan soo bandhigin ruuxa ay sheegeen in lagu soo qabtay isaga oo miina aasaya

maalmihii lasoo dhaafay waxa magaalada caasimada ah ee muqdisho kusoo badanayay qaraxyada iyadoo sabti qarax xoogan oo muqdisho ka dhacay ay ku dhinteen  dad u badnaa dhalinyaro

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here