Howlgalo qorsheeysan ayaa ciidanka xoogga dalka somaliyeed waxey ka fuliyeen degaanka geel-gub ee degmada cadale ee gobolka shabeelaha dhexe.
Howlgalkaan ayaa yimid Ka dib markii ciidanka xoogga dalka soomaliyeed ay ka warheleen in dagaalmayaal ka tirsan al.shabaab ay ku sugan yihiin deegaanka
Waxaana ay sheegeen in ciidanku ay howlgalka ku dileen 8 ka tirsan dagaalamayaasha al.shabaab.
Taliyaha ciidanka xooga dalka somaaliyeed gen. OdowaaYuusuf Raage oo hadlay warbaahinta codka ciidamka ayaa sheegay in ciidanka ay gacanta ku soo dhageen dagaalamayaal ka tirsan al.shabaab iyo hubkii ay wateen
Taliyaha CXDS Gen.Odowaa ayaa intaas ku daray in Ciidanka wali ay sii wadaan dagaalka ka dhanka ah al.shabaab kaasi oo uu sheegay in ay ku jabiyeen dagaalka ciidanka xoogga ay ku qaadeen fariiisamaha ay alshabaab ku lahaaayeen degaanka geel-gub.
Muddooyinka ciidanka xoogga dalka soomaliyeed ayaa howlgalo ka dhan ah dagaalamayaasha al.sahaab waxey ka wadeen gobolada dalka soomaliya

