Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyadda ugu baaqay in aysan doorashadda Soomaaliya dhaafinin sanadka 2021-ka.
Jemes Swan oo u waramayay barnaamijka Talk Al Jazeera ayuu sheegay in qaramadda Midoobay ay rajeynaysay in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod.
Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa Doorashada ku micneeyay dhismo wanaagsan, balse waxa uu rajo beel ka muujiyay in dalka ay ka dhici weysay Doorasho qof iyo cod ah oo ah hamiga ugu weyn ee awoodda dib loogu celinayo shacabka si ay usoo doortaan qofka ay doonayaan.
Sidoo kale Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa Sheegay in Madaxda Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyadda in ay jecel yihiin qabsoomidda Doorasho qof iyo cod ah, balse duruufaha iyo xaaladaha dhanka amniga ee dalka ka jira ay suurta galin weysay.
Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan oo hortagay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa uu ka warbixiyay xaaladda Soomaaliya iyo doorashooyinka la filayo in sanad kadib ay dalka ka dhacaan.