Dalal Somalia Ay Ku Jirto Oo Muslimiin Ah Oo Laga joojiyay fiisooyinka Imaaraadka Carabta

0

Isutagga Imaaraatka Carabta (UAE) ayaa joojisay bixinta fiisooyinka cusub ee muwaadiniinta 13 dal oo u badan Muslimiin, oo ay ku jiraan Iran, Turkey, Syria iyo Somalia, sida ku cad dukumiinti ay soo saartay goob ganacsi oo ay dowladdu leedahay.

Dukumiintiga oo loo diray shirkadaha ay quseeyso oo ay aragtay wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa lagu xusay wareegtada socdaalka oo dhaqan gashay 18-kii Nofeembar.

Iyagoo intaasi ku daray in codsiyada shaqaalaynta cusub iyo fiisooyinka booqashada ee dalal ay ka mid yihiin Afghanistan, Libya, iyo Yemen.
la joojiyay illaa ogeysiis dambe

Dukumintiga ayaa lagu sheegay in Xayiraadda fiisaha ay sidoo kale khuseyso muwaadiniinta Algeria, Kenya, Iraq, Lebanon, Pakistan iyo Tunisia.

Hay’adda Federaalka ee Aqoonsiga iyo Jinsiyadda ee Imaaraadka ayaanan wax jawaab ah ka bixin arintaan

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here