Sarkaal ka tirsan hay’adda sirdoonka Maraykanka ee CIA ayaa u dhintay dhaawac ka soo gaaray hawlgal uu qeyb ka ahaa oo ka dhacay Koonfurta Soomaaliya, sida ay tebiyeen warbaahinta CNN iyo New York Times.
Warbaahinta oo soo xigatay mas’uul hore oo warkaas xogtiisa haya ayaa sheegtay in aan weli la shaacin magaca sarkaalka, balse uu ka tirsanaan jiray ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Navy SEAL.
Lama sheegin goobta uu ka dhacay weerarka uu ku dhaawacmay sarkaalkaas geeriyooday, balse warbaahinta u janjeerta Al-Shabaab ayaa tilmaantay inay u badan tahay inuu yahay weerar ay todobaadkii hore ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Maraykanka ku beegsadeen deegaan ka tirsan Shabeellaha hoose.
Dhimashada sarkaalkan ayaa horseedi doonta in xiddig lagu daro derbi ku dhexyaal xarunta hay’addaas sirdoonka ah ku leedahay Langley gobolka Virginia, halkaas oo lagu maamuuso askarta laga dilo. Illaa iyo hadda, waxaa derbigaas ku dhegan 135 xiddig.

