Wararka ka imaanaya magaalada kismaayo ee gobolka jubbada hoose ayaa waxa ay kusoo waramayaan in ciidamada draawiishta dowlad goboleedka jubbaland ay howlgalo qorsheysan ka wadan xaafadaha magaalada kismayo
Howlgaladaan ayaa waxaa lasheegay in ay daba socdaan kadib falal amnidaro oo xalay ka dhacay magaalada kismayo ee gobolka jubbada hoose
Waxaana wararku ay sheegayaan in xalay weerrar xoogan lagu qaaday guriga gudoomiyaha labaad ee barlamaanka maamulka jubbaland halkaas oo iska hor imaad kooban uu ku dhexmaray ilaadamasuulka iyo koox hubeysan oo weerar ku soo qaaday
Iyadoona wararku ay in taas ku darayaan in weerarku uu ahaa midbamba gacmeedlagu weeraray guriga gudoomiyaha islamarkaasna kooxdii weerarka soo qaaday ay goobta iskaga baxasadeen
Wixii intaas ka dambeeyay ciidamada amaanka maamulka jubbaland ayaa waxa la sheegay in howlgalo balaaran ay ka bilaabeen afarta xaafadoo ee ay ka koobantahay magaalada kismayo ee gobolka jubbada hoose
Waxaana la sheegay in ciidamadu ay dadka guryaha ugu galayeen islamarkaasna ay hubinayeen
Xiyada habeenkii ah xaafadaha qaar ee magaalada kismaayo waxa ka dhaca faalal amniga lidi ku ah iyadoona inta badan werraro badba gacmeed ah lagu qaado maqaaxiaayaha iyo goobaha ay ku sugan yihiin masuuliyiinta iyo ciidamada daraawiishta dowlad goboleedka jubbaland.