Warar dheerad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo ciidamo ka tirsan dowladda maanta lagu eegtay duleedka magaalada dhuusamareeb ee caasimada maamulka galmudug
Qaraxaan ayaa waxa lasheegay bin nuuciisu uu ahaa miinada nuuca dhulka lagu aaso waxa la eegtay kolonyo ka tirsan ciimada dowladda xili ay marayeen deegaanka sina-dhaqo ee duleeedka magaada dhuusamareeb ee xarunta gobolka galgaduud
Waxaana wararku ay sheegayaan in qaraxaan uu ka dhashay qasaare iskugu jira dhimasho iyo dhawaac oo soo gaaray ciidamada dowladda kuwaasi gaari ay saarnaayeen uu haleelay qaraxu
Qasaraha ka dhashay qaraxaan inta la xaqiijiyay waxa uu yahay dhimashada laba askari oo ka tirsaanaa ciimada dowladda halka sidookale warrarku ay sheegayaan in qaraxaan ay ku dhaawacmeen ku dhwaad 10 askari
Wararku waxa ay intaasi ku darayaan in koyada ciidamada dowladda ee qaraxa lala eegtay uu lasocday taliyaha ciidanka xooga dalka qeybta 21 aad genaraal Cabdicasiis Cabdullaahi Qooje islamarkaasna ciidamadani ay kazoo ambabaxeen magaalada dhuusamareeb
Majirto wax war ah oo kazoo baxay maamulka degmada dhuusamareeb oyo kan maamulka galmudug oo looga hadlayo qaraxaan maanta la eegtay ciidamo ka tirsan dowldda oo socdaal ku marayay duleedka magaalada dhuusaamreeb
Sidookale majirto cid wali sheegatay masuuliyada qaraxaan ciidamada dowladda lagu beegsaday duleedka caasimada maamulka galmudug ee dhuusamareeb.