Kadib roobab xoogan oo sadaxdii maalin ee ina dhaaftay ka da’ayay magaalada caasimada ah ee muqdisho ayaa waxa robabkaasi ay sameyn weyn ku yeesheen dadka danyarta ah kuwaasi oo an heysan gabaad fiicn oo ay kaga gaashaantaan robabka
Robabka ka da’ayay caasimada ayaa gabi aahanba biya dhigay wadooyinka waaweyn magaalada muqdisho iyo xaafadaha qaar ee kuyaal caasimada
Qaarka mid ah dadka barakacyaasha ee ku dhaqan degmada kaxda ee gobolka banaadir oo la hadlay idaacada simba ayaa sheegay in biyaha roobka ay sameyn xoogan ku yeesheen islamarkaasna ysan jirin cid wax uqabatay
Waxaana dowladda iyo shcabka somaliyeed ay ugu baaqeen in ay gurmad lasoo gaaran.
Dhankale gudoomiye waaxeed ka tirsan degmada kaxda ayaa sheegan in dadka barakacayaasha ay ubaahanyihiin in wax qabad dhab ah loo sameeyo balse aysan hadal ubaahneyn
Waxaana uu xusay in cid umaqan dadkaasi masaakiinta ah aysan jirin oo ilaahey aheyn
Roobanka deyrta ayaa buuxdhaafiyay magaalada caasimada ah ee muqdisho iygoona sameynta biayaha robabka siweyn looga daremay caasimada
Waxaana sii kordhaya qeyladhaanta kasoo yeeraysa dadka danyarta ah kuwaasi oo dagan guryo cooshado kasameysan islamarkaasna ay biyuhu dhex fariisteen
Raiisul wasaaraha xfs ayaa amar ku bixiyay in sida ugu dhaqsiyaha badan looga jawaabo
Waxaana uu xukuumada iyo maamulka gobolka banaadir faray in ay ka falceliyaan sameyn roobabka ay ku yeeshay caasimada

