Warar dheerad ah ayaa kasoo baxaya weerar dad lagu dliy oo ka dhacay inta udhexeysa deegaanada xananbuure mirijic ee gobolka galgaduud
Maleeshiyaad hubeysan ayaa wararku waxa ay sheegayaan in laba qof ay ku dileen kadib ay goobta iskaga baxsadeen
Ilaa hada si rasmi ah looma oga sababta keentan dilka laba qog ee lagu dilay deegaano ka tirsan gobolka galgaduud balse waxa la sheegay in dilkaan uu la xariiro aanooyin qabiil
Meydka laba ruux ee la dilay ayaa waxa la sheegay in goobta ay kasoo qaadeen qaar ka mid ah eheladooda
Majirto wax wara ah oo kasoo baxay lamaha amaanka ee gobolka galgaduud oo looga hadlayo weerarka ka dhacay deegaano ka tisan gobolka galgaduud islamarkaasna lagu laayay ilaa iyo laba ruux oo shacab ah
Inta badan deeganada dhaca gobolka galgaduud ayaa waxa ka dhaca dilal nuucani oo kala ah oo laxariira aanooyin qabiil iyadoona dhowr jeer maamulka galmudug iyo dowladda faderaalka ah ay xaliyeen coolado kusaabsan beelaha wada dega gobolka galgaduud
Waxaana inta badan soo laablaabta dagaaladaas la xariira aa nooyinka qabiil

