Maamulka Degmada kaxda Oo Ku Baaqay in Deg Deg Loogu Soo Gurmado Dadka Barakacayaasha ah

0

Kadib roobab xoogan oo sadaxdii  maalin ee ina dhaaftay ka da’ayay magaalada caasimada ah ee muqdisho ayaa waxa robabkaasi ay sameyn weyn ku yeesheen dadka danyarta ah kuwaasi oo an heysan gabaad fiicn oo ay kaga gaashaantaan robabka

Robabka ka da’ayay caasimada ayaa gabi aahanba biya dhigay wadooyinka waaweyn magaalada muqdisho iyo xaafadaha qaar ee kuyaal caasimada

Qaarka mid ah dadka barakacyaasha  ee ku dhaqan  degmada kaxda ee gobolka banaadir oo la hadlay idaacada simba  ayaa sheegay in biyaha roobka ay sameyn xoogan ku yeesheen islamarkaasna ysan jirin cid wax uqabatay

Waxaana dowladda iyo shcabka somaliyeed ay ugu baaqeen in ay gurmad lasoo gaaran.

Dhankale gudoomiye waaxeed ka tirsan  degmada kaxda ayaa sheegan in dadka barakacayaasha ay ubaahanyihiin in wax qabad dhab ah loo sameeyo  balse aysan hadal ubaahneyn

Waxaana uu xusay in cid umaqan dadkaasi masaakiinta ah aysan jirin oo ilaahey aheyn

 

Roobanka deyrta  ayaa buuxdhaafiyay magaalada caasimada ah ee muqdisho iygoona sameynta biayaha robabka siweyn looga  daremay caasimada

Waxaana sii kordhaya qeyladhaanta kasoo yeeraysa dadka danyarta ah kuwaasi oo dagan guryo cooshado kasameysan islamarkaasna ay biyuhu dhex fariisteen

Raiisul wasaaraha xfs ayaa amar ku bixiyay in sida ugu dhaqsiyaha badan looga jawaabo

Waxaana uu xukuumada iyo maamulka gobolka banaadir faray in ay ka falceliyaan sameyn roobabka ay  ku yeeshay caasimada

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here