Roobab xoogan oo qasaaro geeystay oo ka da,ay magaalada muqdisho

0

Robab xoogan oo qasaara kala duwan geeystay ayaa xalay  ka da’ay magaalada caasimada ah ee muqdisho

Waxaana roobabkaasi ay saameysan xoogan ku yeesheen dadka danyarta ah ee ku dhaqan caasimada

Qasaaraha la xaqiijiyay ee ka dhashay  robaabkan xalay ka da’ay caasimada muqdisho ayaa ah mid maal oo kaliya mana jirto wax qasaaro  nafeed ah oo laga soo sheegay roobabkii da’ay

Qaar ka mid ah dadka danyarta ah ee ku dhaqan caasimada muqdisho oo la hadlay idaacada simba ayaa sheegay in roobabkii xalay  da,ay ay saameyn ku yeesheen islamarkaasna ay caruurti ka qaadeen biyaha roobabka

Waxa ay sheegeen dadku in ay biyaha roobku ay gudaha ugu soo galeen guryahooda islamarkaasna qeybo ka mid ah guryaha ay dumiyeen ilaa iyo haatana ay biyo dhaxtaaganyihiin

Dadka danyarta ah ayaa dowladda faderaalka ah iyo cid kasta oo wax uqankarta ka codsaday in ay ka gacansiiyaan dhibta faraha badan ee heysata islamarkasna ay gurmad deg deg ah lasoo garan

Roobab dayrta  ayaa maamihi ugu dambeyay  ka da’ay  magaalada caasimada ah muqdisho

Waxaana robabkaasi ay saameyn xoogan ku yeesheen dadka danyarta ah ee maadaama ay daganyihiin  guryo cooshashka ka sameysan.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here