Robab xoogan oo qasaara kala duwan geeystay ayaa xalay ka da’ay magaalada caasimada ah ee muqdisho
Waxaana roobabkaasi ay saameysan xoogan ku yeesheen dadka danyarta ah ee ku dhaqan caasimada
Qasaaraha la xaqiijiyay ee ka dhashay robaabkan xalay ka da’ay caasimada muqdisho ayaa ah mid maal oo kaliya mana jirto wax qasaaro nafeed ah oo laga soo sheegay roobabkii da’ay
Qaar ka mid ah dadka danyarta ah ee ku dhaqan caasimada muqdisho oo la hadlay idaacada simba ayaa sheegay in roobabkii xalay da,ay ay saameyn ku yeesheen islamarkaasna ay caruurti ka qaadeen biyaha roobabka
Waxa ay sheegeen dadku in ay biyaha roobku ay gudaha ugu soo galeen guryahooda islamarkaasna qeybo ka mid ah guryaha ay dumiyeen ilaa iyo haatana ay biyo dhaxtaaganyihiin
Dadka danyarta ah ayaa dowladda faderaalka ah iyo cid kasta oo wax uqankarta ka codsaday in ay ka gacansiiyaan dhibta faraha badan ee heysata islamarkasna ay gurmad deg deg ah lasoo garan
Roobab dayrta ayaa maamihi ugu dambeyay ka da’ay magaalada caasimada ah muqdisho
Waxaana robabkaasi ay saameyn xoogan ku yeesheen dadka danyarta ah ee maadaama ay daganyihiin guryo cooshashka ka sameysan.

