Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) iyo saraakiil uu hogaaminayay oo kusugan magaalada Garoowe ee caasimada dowlad goboleedka Puntland ayaa la sheegay in uu kulamo ka wado magaalada gorowe.
Wafiga Taliayaha ayaa waxa siweyn loogu soo dhaweeyay magaalada Garoowe iyadoona ay soo dhaweyeen taliye ku xigeenka ciidanka booliska dowlad goboleedka Puntland Sareeyo guuto Ceydiid Axmed Nuur ,taliyihii hore ee ciidanka Booliska Soomaaliya Bashiir Ameeriko.iyo sarakiil ka tirsan ciidanka booliska Punland.
Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) iyo saraakiil ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa maalmahaan safaro socdaal ah ku marayay qaar ka mid ah gobolka dalka.
Waxaana haatan la sheegay in taliyuhu uu kulamo kala duwan uu la qaadanayo saraakisha iy hogaanka putland iyadoona ay xusid mudan tahay in taliyuhu uu kulamo kawado deegaanada puntland
Wararka ayaan sheegayaan in taliayaha socdaalka uu ku tagay putland uu u xigin doono socdaal uu kutagayo deegaanada jubbaland

