Golaha Shacabka Oo Dood Aday Maanta Ka Yeelanaya Sharciya Badan Oo Muhiim ah

0

Xildhibaanada golaha shacabka ee barlamaanka jamhuriyada faderaalka Somalia ayaa maanta kulan ku yeelanaya xaruntooda  kml gaar ka ah villa hargeysa ee magaalada muqdisho

Agandaha  kulanka Xildhibaanada golaha shacabka  ayaa ah aqrinta sadaxaan ee hindiasa sharciyeedka  diiwan galinta iyo bixinta aqoonsiyada Iyo  aqrinta labadaan sharciga socdaalka

Waxaana dood adag oo dheer ka dib la filyaa in xildhibaanadu ay an sixiyaan sharciyaan oo muhiim u ah dalka

Qaar ka mid ah Xildhibaan golaha shacabka ayaa dood ka keenay sharciyadaan maadaama ay yihiin xog la keydinayo islamarkaasna loo baahanyahay aragti dheer laga yeesho oo aan lagu deg dagin

Xildhibaanada ayaa haatan yeelana kulamadoodi ugu dambeyay iyadoona uu dhamaad yahay waqtiga xildhibaanada wixii haatan ka dambeyana loo dareerayo doorasho

Waxaana xildhibaanda golaha shacabka ay yeelanayaan kulamo deg deg ah oo ay ku doonayaan in ay ku meelmariyaan inta aan la aadin doorashada 2020/2021 iyagoo intaas kudaray in aysan banaanan doonin  kuraasta xildhibaanada inta doorashada looga dareerayo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here