Ciidamada Dowlada Oo Howlgalo Ka Fuliyay Deegaano Ka Tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose

0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa guulo ka sheegtay  howlgal qorsheysan oo ay sheegeen in ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolka shabeelaha hoose

Howlgalkaan ayaa waxa la sheegay in ciidamada dowladda gaar ahaana kuwa  uruka 4 aad guutada 16 aad ay ka sameeyeen deegaanka leego dhaca gobolka shabeelaha hoose islamarkaasna waxa ay sheegeen in ciidamada dowladu in xubno ka tirsan alshabaab ay gacanta ku soo dhigeen

Saraakiisha ciidamada dowladda ee howlgaladaan hogaaminayay ayaa waxa ay dhankooda sheegeen in howlgaladaan ay ku burburiye Fariisimo dagaalamayaasha Al-shabaab ay ku lahayeen Degaano hoostaga Gobolka Shabellaha hoose

Waxaana ay wacad ku mareen in ay sii wadi doonan howlgaladda ka dhanka ka ah dagaalyahanada alshabaab.

Majirto  wax war ah oo kaso baxay alshabab oo ku aadan  howlgalada ciidamada dowladu ay guulaha kaga sheegteen ee ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka shabeelah hoose

Inta badan ciidamada dowladda ayaa howlgalo nuucani oo kale ah ka fuliyaa deegaano iyo degmooyin badan oo ka tirsan gobolada shabeelooyinka iyagoona sheegay in howlgaladaasi ay yihiin kuwa ay ku xaqiijinayaan amaanka gobolada shabeelooyinka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here