Maamulka Axmed Madoobe oo Lagu Eedeeyay Dilkii Cabdullaahi Shigshigoow+Dhageyso

0

Ciidamadda Maamulka Jubba-land ayaa lagu eedeeyay in ay ka dambeeyaan dil shalay Magaaladda kismaayo loogu geystay Maamulihii Shirkadda Amal Faraceeda Magaaladda kismaayo.

Korneel C/rashiid Macalin Gaas oo la hadlay idaacada Simba ee Magaladda Muqdisho ayaa sheegay in Ciidamadda Jubbaland ay ka dambeeyeen dilka C/laahi shikshikow.

Sidoo kale waxa uu sheegay Korneel C/rashiid Macalin Gaas in Sababaha loo dilay C/laahi ay aheyd aargudasho loogu aargudayay dilkii Gudoomiyihii Rugta Ganacsiga Maamulka Jubbaland Shaafi Raabi Kaahin oo Magaaladda Kismaayo lagu dilay Bishii Hore ee September,islamarkaana dilkiisa ay sheegteen Al-shabaab.

Dhanka kale Korneel C/rashiid Macalin Gaas ayaa sheegay in C/laahi shikshikow uu kamid noqonayo shaqsiyaad arrimo qabiil loogu dilay Magaaladda kismaayo .

Waxa uu sheegay in Al-shabaab aysan ka dambeenin dilka Mas’uulka,islamarkaana qorshaha lagu khaarijiyay C/laahi laga soo abaabulay madaxtooyadda Kismaayo.

Sidoo kale waxa uu sheegay in C/laahi uu dhowr jeer dacwad u gudbiyay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed oo ku aadan in laga joojiyo lacago la sheegay in ay baad ahaayeen oo shirkadihiisa laga doonayay.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here