Shacabka Afgooye oo Cabasho Ka Muujiyay Burburin Lagu Sameeyay Guryahooda+Dhageyso

0

Shacabka ku dhaqan Degmadda Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa cabasho ka muujiyay guryo ay daganaayeen oo si xoog ah lagu burburiyay.

Mid kamid ah dadkii guryihii ay daganaayeen laga burburiyay oo la hadashay idaacadda Simba ee Magaaladda muqdisho ayaa sheegtay in ciidamo sita dharka Dowladda iyo kuwa Afka Soo duubtay ay ka dambeeyeen guryaha la buriyay.

Sidoo kale waxa ay sheegtay in aysan haysanin xiligaan meel ay maciin bidaan,madaama guryihii ay daganaayeen laga burburiyay.

Dhanka kale waxa ay sheegtay Haweeneyda la hadashay idaacadda Simba in loo sheegay in guryihii ay daganaayeen in la burburiyo ay ka dambeeyaan Ganacsato iyo Shaqsiyaad kale oo dano gaar ah leh,waxayna dowladda Soomaaliya u dirtay Baaq ku aadan in arintaan wax laga qabto.

Warar soo baxaya ayaa sheegay in qorshaha lagu burburiyay ku dhwaad 2-kun oo guri oo ku yaala Degmadda Afgooye oo hogaaminayay wiil uu dhalay Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaadd Barre kaasi oo magaciisa lagu sheegay Diiriye Maxamed Siyaadd Barre.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here