Mareekanka oo dalka Sudan ka saaray liiska dalalka taageera argagaxisada

0

Dalka sudaan oo ah dal ka tirsan ururka jaamada carabta ayaa noqanayo dalkii ugu dambeeyay ee xariirka uu israel la leeyahay caadiyeeyo.

madaxweynaha mareekanka,  Donald Trump ayaa waxa uu dalka Sudan ka saaray liiska dalalka taageera kooxaha argagaxisada, kana qaaday xayiraadaha ka saarnaa dhanka caawimaada  dhaqaale  iyo maalgashiga.

Madaxweyne Trump ayaa waxa uu sheegay in ugu yaraan shan dal oo carab ah in ay diyaar u yihiin in ay israel la saxiixdaan heshiis nabadeed.

Heshiiska sudan ay la saxiixatay israel ayaa imanaya toddobaadyo un ka dib markii isutaga imaaraadka carabta iyo baxreyn ay heshiis kan la mid ah la saxiixdeen Israel.

Labadaan dal ayaa noqonaya dalalkii ugu horeeyay ee israel ku aqoonsada  muddo 26 ah isla markaana ah  dalal  carabeed  oo  ka dhisan bariga dhexe.

Sudan iyo israel ayaa waxa ay sheegeen in ay soo saaraarayaan bayaan sedex geesood oo uu qayb ka yaha wafdi ka socda mareekanka in ay kulmayaan toddobaadyada soosocda.

Wadamadaan ayaa waxa ay kawada hadli doonaan arrimo dhoor ah oo ay ka mid yihiin beeraha , duulista iyo socdaalka, laakiin wadahadaladaani lama shaacin xiliga ay dhacayaan.

Hugaamiyaasha ayaa waxa ay isku afgarteen in ay caadiyeeyaan xarriirka u dhexeeyo sudan iyo israel.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here