Roob geystay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka da ay magaalada Baxdo ee gobolka galguduud.
Roobka deyrta ayaa maalmahaan ka da’ayay qeybo ka mid ah gobolka galgaduud waxaana xalay roob xooggan oo ka da’ay magaalada Baxdo ee hoos timaada Degmada Cadaado ku dhinay gabar yar halka ruux kale oo dhawaac kasoo gaaray, kadib markii uu hoygii ay ka degenaayeen u uku dumay.
Ruuxa dhaawaca uu soo gaaray oo ah gabar kale ayaa lagu dabiibaa Isbitalka magaalada Baxdo ee gobolka galguduud sida uu warbaahinta qaranka u sheegay mid kamid ah dadkii goobjooga ahaa.
sidookale robab dadka iyo duunyaduba ay ku diirsadeen ayaa laga soo sheegayaan in ay ka da’een qaar ka mid deegaanada dhaca gobolada dhexe ee dalka
waxaana xusid mudan in roobabkaasi qaar kood ay dad dan yar ah ayaa sameyn ku yeesheen.

