Ciidanka Dowladda Oo Guulo Ka Sheegtay Howlgalo Ay Ka Fuliyeen Gobolada Shabeelloyinka

0

Ciidanka Kumaandooska Danab ee xoogga dalka ayaa howlgal qorshaysan oo ay ka fuliyeen deegaanno hoostaga dagmooyinka Balcad iyo Afgooye oo ka kala tirsan gobollada Shabeellada dhexe iyo Shabeellada hoose, waxa ay sheegeen in ay ku dileen 6 xubnod oo ka tirsan dagaalamayaasha  Al-shabaab.

Waxaana war kasoo baxay dowladda lagu sheegay in xubnahaasi ka tirsana alshabaab  ee ay dileen  uu ku jiray  horjoogihii alshabaab ee u qaabilsanaa maaliyadda gobollada Shabeellooyinka.

Iayadoona warka kasoo baxay dowladdda lagu sheegay in horjoogaha lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Cabadalla (Abuu Ayman) islmarkaasna uu  lacagaha baadda ah ka qaadi jiray dadka shacabka, sida lagu sheegay warka kasoo baxay dowladda

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay in Ciidanka  intii ay howlgalka ku jireen ku burburiyeen goobo ay dagaalamayaasha Al-shabaab dadka shacabka ah uga qaadi jireen lacagaha baadda ah,

Waxaana sidoo kalana saraakiishu sheegeen in ay ciidamadu soo saareen  miinooyin alshabaab ay ku aastay waddooyinka.

Ciidamada dowladda ayaana guulo ka sheegtay howlgalo ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolada shabeeloyinka deegaano dhaca

Waxaana tani ay ku soo aadaysa xilli dhowr jeer oo hore ciidanka dowladda iyo dagaalamayasha alshabaab  ay guulo uga kala sheegteen dagaalo ku dhexmaray gobolada shabeeloyinka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here