Qarax Qasaare Kala Duwan Sababay Oo Ka Dhacay Gobolka Shabeelaha Hoose

0

Qeybo ka mid Degmada Afgooye wararka aan ka helayno ayaa waxa ay sheegayaan in qarax xoogan oo qasaare kala duwan dhaliyay uu maanta ka dhacay degmada afgooye ee gobolka shabeelaha hoose

Qaraxaan ayaa waxa ay wararku sheegayaan in uu ahaa miinada nuuca dhulka lagaliyo islamarkaasna la eegtay  fariisimo ciidamada dowladda ku lahaayeen degmada afgooye

Qaraxaan ayaana la sheegay in uu uu ka Dhashay qasaare iskugu jira dhimash iyo dhaawac walow aan si dhab ah loo xaqiijin Karin qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaani

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa la sheegay in qaraxa ka dib ay  howlgalo ka bilaabeen halka uu qaraxu ka dhacay iyagoo na la sheegay in ay kusoo qabqabteen dad fara badan oo dhaliyaro ubadnaa

Sidookale wararkii ugu dambeyay aan ka helayno afgooye ayaa sheegayan in qaraxa kadib uu hakad galay isku socodka dadka iyo gaadiid  balse markii dambe uu dib u furmay

Majirto ila iyo hada cid sheegatay masuuliyada qaraxa maanata ka dhacay degmada afgooye ee gobolka shabeelaha hoose

sidookale qaraxaan kama aysan hadlin maamulka degmada afgooye iyo kan gobolka shabeelaha hoose

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here