Qeybo ka mid Degmada Afgooye wararka aan ka helayno ayaa waxa ay sheegayaan in qarax xoogan oo qasaare kala duwan dhaliyay uu maanta ka dhacay degmada afgooye ee gobolka shabeelaha hoose
Qaraxaan ayaa waxa ay wararku sheegayaan in uu ahaa miinada nuuca dhulka lagaliyo islamarkaasna la eegtay fariisimo ciidamada dowladda ku lahaayeen degmada afgooye
Qaraxaan ayaana la sheegay in uu uu ka Dhashay qasaare iskugu jira dhimash iyo dhaawac walow aan si dhab ah loo xaqiijin Karin qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaani
Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa la sheegay in qaraxa ka dib ay howlgalo ka bilaabeen halka uu qaraxu ka dhacay iyagoo na la sheegay in ay kusoo qabqabteen dad fara badan oo dhaliyaro ubadnaa
Sidookale wararkii ugu dambeyay aan ka helayno afgooye ayaa sheegayan in qaraxa kadib uu hakad galay isku socodka dadka iyo gaadiid balse markii dambe uu dib u furmay
Majirto ila iyo hada cid sheegatay masuuliyada qaraxa maanata ka dhacay degmada afgooye ee gobolka shabeelaha hoose
sidookale qaraxaan kama aysan hadlin maamulka degmada afgooye iyo kan gobolka shabeelaha hoose

