Diyaaradaha Kenya Oo Duqeymo Culus Ka Fuliyay Qeybo Ka Mid Gobolka Gedo

0

Wararka ka imaanaya gobolka gedo ayaa waxa ay sheegayaan in diyaarado ay leeyihiin ciidamada dalka kenya ayaa duqeymo ka fuliyeen degaano hoostaga degmada ceel waaq ee gobolka gedo

Waxaana la sheegay in duqeynahan ay ka dhasheen qasaaro isku jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah

Degaanada diyaaradaha kenya ay duqeymaha ay ka fuliyeen ayaa waxa ka mid ah deegaanka yaaqle iyo baliga harakoobe oo dhamaantood ka tirsan degmada ceel waaq

Gudoomiayaha degamada beled xaawo ee gobolka gedo Axmed bare sheiq cabduaalhi ayaa oo weysi siiyay idacadini simba ayaa sheegay in deegaanada ay duqeeyeen ahaayeen kuwa iyaga ka fog oo ay fariisimo ku leeyihiin ciimada kenya

Isagoo tilmaamay in halkaasi ay duqeyeen ciidamada militara kenya ay ku sugnaayeen dad xoola dhaqato ah

Waxaana uu sheegay in aysan ka yeeli doonin daandaasiga ay waddo kenya islamarkaasna waxa uu tilmaamay in ay jawaab kulul ka bixin doonaan

Ciidamada milataria kenya ayaa inta badan Duqeymo ka fuliya gudaha somalia iyagoo sheega in duqeymahaas ay ku beegsanayaan dagaalamayaasha alshabaab

Waxaana arintaas ka soo horjeestay maamulka gobolka gedo kuwaasi oo sheegay in ciidamada keenya beegsanayaan dad shacab ah oo aan waxba galabsan

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here