Waxaa si xawli ah ku socota u diyaar garoowga Xaflada xil wareejinta raisul wsaaraha cusub ee dalka maxamed xuseen rooble kaasi oo ay dhawaan ansixiyeen xidhibaanada golaha shacabka ee barlamaanka jamhuuriyada faderalka Somalia
Waxaana durba soo if bayaxaya warar sheegaya in aysan cadeyn cidda xilka ku wareejinaysa raisul wasaaha cusub iyadoona arintaasi ay dood badani ka dhalatay
waxaa lasoo sheegayo in khilaaf xoogan uu hareeyay xil wareejinta raiisul wsaarahada cusub
Raisul wasaarihii hore dalka xasan cali qeyrel ayaa waxa la sheegay in warqad uu u qoray raiisul wasaraha cusub islamarkaasna uu u sheegay in ay sharcitahay in isagu uu si rasmi ah uu xilka ugu wareejiyo dukumintiyada iyo warqadiihii ay ku shaqeynaysay xukumadiisu
Sidookele raisul wasaare hore dalka Xasan cali kheyre ayaa waxa la sheegay in waqda uu diray uu sidookale gaarsiyay gudoonka barlamaanka JFS uuna ku ogeysiiyay in ay shacitaahay in isagu xilka wareeyo
Raiisul wasaare ku xigeen hore ee dalka Mahdi maxamed guuled qadar ayaa isaguna waxaa la sheegay in uu sheeegay in uu soo maray raiisul wasaare kumeel gaar ah ayna tahay in isagu uu xilka wareejiyo taasi oo cirka kusii shareertay dooda ka dhalatay xil wareejinta raisul wasaaraha cusub maxamed xuseen rooble
Saacadii la soo dhaafay magaalada muqdisho waxaa si dardarleh uga socota qaban qaabada xaflada xil wareejinta raiisul wasaaraha cusub
Waxaana horay loo magacaabay gudiga loo xilsaaray diyaarinta xaflada kaasi oo uu magacaabay Siihayihii xilka raiisul wasaaraha dalka mahdi maxmed guuled qadar ,Wararka qaar ayaana sababtaasi darteed ubadinayaa in uu xilka wareejinayo mahdi maxmed guuled qadar balse wali si rasmi ah looma oga cidda xilka wareejin doonta
Iskusoo wada aruuriyo Khilaaf ayaa xoogan lagu soo waramaayaa in uu hareeyay xafalada xil wareejinta raiisul wasaaraha cusub dalka maxmed xuseen rooble xafladaasi oo lagu wada in ay dhacdo maalinta bari ah markaas oo ayaana si dhab ah ay u kala cadaan doontaa cidda xilka wareejinaysa

