Xalaflad soo dhaweyn ah oo xalay magaalada beydhabo loogu sameyay wafdiga uu hogaaminayay madaxweynaha maamulka Putland Siciid Cabdullaahi Deni ee gaaray magaaladaasi beydhabo ayaa waxa uu madaxweynha putland qudbad ninacyo badan taabaneysa ka jeediyay xaflada waxaaana uu ka hadlay waxyaabihii ay u tageen magaalada beydhabo isagoo sidookale sheegay in putland iyo koonfur galbeed ay ku heshiiyeen iska taageerida arimaha dowladanimada iyo xasiloonida iyo arimakale oo ku saabsan iskaashiga labada dhinac
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa uu sheegay in Puntland iyo Koonfur Galbeed ku heshiiyeen Arimo badan oo ku saabsan horumarinta iskaashiga, dhinacyada Amniga, ganacsiga, is dhexgalka Bulsho iyo dowladd dhiska
Madaxweyne Deni ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo dhammaan dadka reer Koonfur Galbeed dowladd iyo shacaba sida wanaagsan ee isaga iyo wafdigiisa usoo dhoweeyeen.
Maxweynaha putland saciid cabdulahi ayaa siweyn shalay loogu soo dhaweyay magaalada beydhabo waxaana uu booqasho ku tagay qeybo ka mid ah magaalada beydhabo isaga oo ay wehlinayaan madaxweynaha maamulka koonfur galbeed cabdi casiis xasan maxamed lafta green wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan maamulada koonfur galbeed iyo putland

