Al-shabaab Oo Xukuno Dil Ah Ku Fuliyay Laba Nin Oo Ay Ku Eedeeyeen Jaajuusnimo

0

Maxkamada Al-shabaab ee gobolka hiiran ayaa xukuno dil ah  ku fulisay laba nin oo ay kusoo  eedeeyeen la shaqeynta ciidamada amisom

Maxkamada al shabaab ayaa sheegtay in nimaankani ay ahaayeen jaajuusiin islamarkaas ay la shaqeynayeen ciidamada amisom iyo maamulka gobolka hiiran

Goob fagaara ah oo  kutaal degmada Buq Aqable ee gobolka Hiiraan ayaa la sheegay in uu ka dhacay fulinta xukunka dilka ah ee maxkamada  al shabaab ay ku riday ragaaani

Qaadiga maxkamadda  Al shabaab  ayaa sheegay mid kamida uu ahaa Jaasuus halka midka kale uu ahaa askari ka tirsan maamulka Hirshabelle.

Al shabaab ayaa sheegay in Axmed Max’med Abiirkar oo ahaa 33 sana jir  gacanta lagusoo dhigay isagoo la shaqeynayay ciidamada AMIAOM ee ku sugan Jalalaqsi,

Al shabaab ayaa intaasi ku daray in Axmed muddo laba jeer ah cafis loo fidiyay balse markale uu dib ugu laabtay la shaqeynta ciidamada AMISOM

Waxaana ay sheegeen in markaan  lagasoo qabtay tuulada Buurdheere.

Sidookale al shabaab ayaa sheegay in eedaysanaha labaad ee  lagu dilay lagu magacaabo jiray Cabaas Max’med Cismaan kaaasi oo ay sheegeen in uu qirtay in uu jaasuus u ahaa maamulka Hirshabelle waxaana ay sheegeen in lagasoo qabtay tuulada Booco ee gobolka Hiiraan.

Al shabaab ayaa xukuno dil ah ku fuliyay dad ay  xukuno kala duwan ku rideen maxkamadaha kuyaa deegaanada iyo dagmoyinka ay maamulaan al shabaab

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here