Ciidamada Dowladda Oo Qabtay Nin Hoobiyaal Tuuri Rabay

0

Nin la sheegay in uu damacsana in hoobiyaal uu ka tuuro dagmada deyniile ayaa waxa la sheegy in ay gacanta kusoo dhigeen ciidamada amaanka.

Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada gobolka Banaadir mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Tuulax) ayaa warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in ciidanka Amniga  howlgal ay ka fuliyeen Degmada Dayniile ay ku soo qabteen dhagarqabe ka tirsan Dagaalamaayaasha Al-Shabaab.

Mudane Tuulax ayaa xusay in dhagarqabaha oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Xassan Cali kana tirsan Dagaalamayasha  Al-Shabaab oo doonayey in uu rido hubka loo yaqaano R.B.D si uu u dhibaateeyo Shacabka Soomaaliyeed.

Ciidamada ayaa ku guuleystay inay ka hortagaan qorshaha uu maleegayay dhagarqabaha, haatanna ay ku socoto baaritaanno dheeraad ah.ayuu gudoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada gobolka banaadir

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here